Ku soo dhawow Xarunta Xiriirka

Waa in ay fududaato nolosha iyo shaqada Magaalada Norrköping gudaheeda. Si taas loo gaari karo, waxaan maalinta July 2 furaynaa Xarunta Xiriirka. Waxaad nala soo xiriiri kartaa waqti kasta oo aad su'aalo qabto, ha weynaadaan ama ha yaraadaan. Laga yaabo in aad rabto in aad ogaato sida loo dalbado adeegyada gargaarka guriga? Ama sida aad ilmahaaga u qorayso ama ugu darayso dugsiga hore? Ama waxaa dhici karta in uu jiro god waddo oo u baahan in la hagaajiyo?

Anaga aayaa ku caawineyna madama aad tahay qof ku cusub halkaan lehna ilmo kuwaas oo aadaya iskuulka. Waa muhiim in aad ilmaha u sameysaa is diiwaan gilin toos ah marka uu iskuulka bilaabanaayo marka aad timaado Norrköping.

Annagu wax waan maqalnaa, waxaan qaadannaa ra'yicelinta iyo fikradaha nala siiyo waxaanan adiga kaa hagaynaa weydiimahaaga. Haddii ay suurogal tahay, waxaan isku wadnaa in aan islamarkaaba ka jawaabno su'aalahaaga. Haddii aan awoodi weyno, waxaan kugu hagaajin doonnaa qof taas awoodi kara.

Si xor ah noola soo xiriir oo noogu soo dir su'aalahaaga!

Kontakt

XARUNTA XIRIIRKA

Cinwaanka dariiqa: Rosen, Trädgårdsgatan 21
Cinwaanka boostada: Trädgårdsgatan 21,601 81 Norrköping

011-15 00 00

Iimayl: norrkoping.kommun@norrkoping.se

Relaterat